FAQ’s
Frequently asked question
Waxaan halkaan kuugu soo ururinay su’aalaha ay macaamiishu inta badan is waydiiyaan si ay si fudud u helaan xogta ay u baahan yihiin.
Ma bixisaa adeegyo suuq-geyn dijitaal ah (Digital Marketing)?
Haa, waxaan bixiyaa adeegyo dhameystiran oo suuq-geyn dijitaal ah oo ay ka mid yihiin: xayeysiinta baraha bulshada, SEO, Google Ads, iyo qorsheynta istaraatiijiyadda suuq-geynta ee ganacsiyada.
Sidee baan ku bilaabi karaa suuq-geynta online-ka ah?
Waxaad ku bilaabi kartaa adigoo nala soo xiriira, kadibna waxaan kuu diyaarin doonaa qorshe gaar ah oo ku habboon ganacsigaaga iyo miisaaniyaddaada.
Immisa ayuu qaadanayaa in la arko natiijooyinka suuq-geynta dijitaalka ah?
Natiijooyinka waxay ku xidhnaan karaan adeegga la isticmaalayo. Tusaale ahaan, xayeysiinta baraha bulshada waxay muujin kartaa natiijooyin degdeg ah, halka SEO ay qaadato 2–3 bilood si ay u bilaabato in ay si muuqata u soo baxdo.
Ma bixisaa adeegyo naqshadeyn iyo maareyn baraha bulshada ah?
Haa, waxaan bixinaa adeegyo ay ka mid yihiin naqshadeynta post-yada, sameynta jadwalka xayeysiinta, iyo maaraynta bogaggaaga si joogto ah.
Ma i caawin kartaa haddii aan leeyahay ganacsi yar oo aan rabbo inaan hormariyo?
Dabcan! Haa Waxaan ku siin karnaa talooyin, qorshe suuq-geyn, iyo xayeysiin ku habboon miisaaniyaddaada si aad si tartiib ah ugu korodho suuqa online-ka ah.